Sawirro: ISIS oo soo riday diyaarad dagaal gacantana ku dhigtay duuliyihii weday

Read Time:45 Second

Mareeg.com: Dagaalyahanada dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa soo riday diyaarad dagaal oo ay leeyihiin dowladaha Isbaheysiga Mareykanku hogaamiyo.

Diyaarad Nuuca dagaalka ayaa lagusoo riday Koonfur bari ee magaalada Raqqa xilli halkaasi ay duqeymo ka geysanaysay. IS ayaa sheegtay in diyaaradda lagu soo rdiay gentaal loo yaqaano Xaraari.

Dowladda Islaamiga ah ee gobolka Raqqa ayaa soo bandhigtay muuqaalka burburka diyaaradda iyo ninkii duuliyaha ka ahaa oo Maxbuus ahaan gacanta ugu dhigeen.

Kooxda dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay in duuliyaha diyaaradaas uu u dhashay dalka Urdun, islamarkaana lagu magacaabo Mucaad Yuusuf.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Duuliyahan uu heysto dhalasho Mareykan ah halka warar kale ay sheegayaan in uu yahay askar ciidanka cirka dalka Urdun ka tirsan.

Dowladda Urdun ayaa ka mid ah 4 dal Carbeed oo diyaaradahooda dagaalku tan iyo bishii September weeraro xagga cirka ah ka fulinayaan goobaha Islaamiyiintu ka maamulaan Suuriya iyo Ciraaq.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %