Sawirro: Imaaraadka Carabta oo gaadiid milateri oo qanfilan siisay maamulka Juba

Read Time:1 Minute, 11 Second

Mareeg.com: Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid milateri oo aysan heysan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliy ugu dseeqday maamulka KMG ah ee Juba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Gadiidka lagu wareejiyey maamulka Juba oo isu jiray gaadiid la mid ah ka ay adeegsdanaa ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo gaadiidka Soomaalidu u taqaanno Cabdi Bile ayaa laga soo dejiyey dekedda magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gaadiidkaas kula wareegay gudaha Dekeda Kismaayo, wuxuuna Axmed Madoobe uga mahad celinayo dowladda Imaaraadka Carabta deeqdan gawaarida dagaal ah.

“Waxaa uga mahad celineynaa dowladda Imaaraadka Carabta caawinaada ay na siisay oo ah markii labaad, agabkan wuxuu qeyb ka qaadanayaa nabadgelyada iyo la dagaalanka Al-Shabaab” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Gawaaridan qanfilan ee lagu wareejiyey maamulka Juba oo gaarayey 5 iyo tiro gaadiidka Cabdi Bilaha loo yaqaanno ah ayaa dhoolatus ka sameeyey waddooyinka Kismaayo.

Markii la bilaabayey dejinta gawaarridaas waxaa magaalada Kismaayo tegay danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Muxamed Al-othmani, kaasoo maamulka kusii wareejiyey gaadiidka oo markaas dejis lagu bilaabay.

Dowladda Imaaradka Carabta oo taageerta dowladda Federaaalka ah ee Soomaaliya, una dhistay xero tababar oo weyn oo ku taalla Muqdisho ayaan weli DF siinin gaadiid la mid ah kan ay si.

Marar sii horreysay, Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid aan rasaastu ugu deeqday dowladda Soomaaliya, halka ay dhowr Cabdi Bile siisay ciidnka Nabad Sugidda. Sidoo kale, Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho ka dhistay xero ciidan oo aad loo qalabeeyey.

saanad hub (4)

saanad hub (1)saanad hub (2)saanad hub (3)saanad hub (5)saanad hub (6)saanad hub (7)saanad hub (8)

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.