Mareeg.com: Howlgal lagu raadinayo Alshabaab ayaa oo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka waabarigii ka dhacay warshaddii hore ee Baastada, Xafadda Dabaqeynka, Suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Ciidmada wadajirka ah ayaa isku gedaamay jidadka iyo xaafadaha, iyagoo mid mid u baarayay guryo farabadan si looga soo saaro dad la tuhunsanaa in ay ku dhuumaaleysanayaan xaafadahaas.
Sida laga sii daayey warbaahinta dowladda Soomaaliya, baritaankan ayaa ka dambeyay xog ay heleen Sirdoonka dowladda, kaasoo muujinayay macluumaadyo ka digayay kooxo ka tirsan Alshabaab oo abaabulayay weeraro laga geysto Muqdisho.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha, Maxamed Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta ayaa shegay in howlgalkaaasi lagu soo qabqabtay 5 ruux oo la tuhunsayahay in ay ka tirsanyihiin Alshabaab.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in xoriyaddooda dib loogu celiyay dad kale oo farabadan oo howlgalka intii lagu guda jiray lasoo qabqabtay.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.