SAWIRRO:-Guddoomiye Cabdi Xaashi oo lagu soo dhaweeyay Garoowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

SAWIRRO:-Guddoomiye Cabdi Xaashi oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyam Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimaada Puntland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubo kale.

Ujeedka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ah qeyb gelka Shir looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya, kaasi oo u furmi doona Madaxda dowlada Goboleedyada iyo Musharaxiinta Madaxweynaha.

Shirka ayaa sigaar ah waxaa looga hadli doonaa xaaladad siyaasadeed ee dalka, doorashada ka dhaceysa dalka dhammaadka sanadkaan 2020/21iyo Guddiyada lagu muran yahay ee la magacaabay, kuwaasi oo kasoo horjeedan Midowga Musharaxiinta.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay gaaraan wufuud kala duwan oo kamid yihiin Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno kale oo ka qeyb galaya Shirka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More