Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Somalia ee Sweden

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay  Safiirka Dowladda Sweden u jooga Soomaaliya.

Kulanka ayay Labada masuul kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee Labada Dowladood iyo sidii ay u wada shaqyn lahaayeen Labada Baarlamaan ee Dowladaha Soomaaliya iyo Sweden.

Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb,  Andres Uon Unexkull,  ayaa uga Tacsiyadeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya geeridii ku timid Hooyadii oo bartamihii Todabaadkan ku geeriyootay Magaalada Baydhabo.

Kulankan dhex maray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Safiirka Sweden u jooga Soomaaliya ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo saaxiibtinimada Labada Dowladood, waxanay niyad wanaag wada jir ah ka muujiyeen sida ay ugu go’an tahay in ay Labada Dal yeeshaan wax wada qabsi ballaaran.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!