SAWIRRO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Garoowe iyo Ujeedkiisa

Read Time:46 Second

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka iyo wafdi Xildhibaano oo la socday, kuwaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay halkaas.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa Guddooomiye Maxamed Mursal uga hortegay oo kusoo dhaweeyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.

Ujeedka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmaya halkaas, xili madashan ay saddexdii sano ee la soo dhaafay ka dhici jirtay dalka Jabuuti.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay tagaan Magaalada Garoowe, si ay uga qeyb galaan Madasha Aragti Wadaagga oo markii ugu horreeysay lagu qabanayo gudaha dalka.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.