SAWIRRO:-Farmaajo iyo Madaxda M/Goboleedyada oo kulan ku yeeshay Afisyooni * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

SAWIRRO:-Farmaajo iyo Madaxda M/Goboleedyada oo kulan ku yeeshay Afisyooni

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Goor dhow kulan hordhac ah ku yeeshay Teendhada Afisyooni.

Kulanka oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay furitaanka Shirka guud ee Maanta dhexmaraya Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ee xilka sii-haayo Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, waxaana intiisa badan diirada lagu saaray Ajendaha looga hadlayo Shirka Madaxda oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ee ka dhacaya Afisyooni.

Maamulka Puntland ayaa qaadacay ka qeyb galka shirka Madaxda ee  Magaalada Muqdisho ka furmaya, waxaana Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo hadlay uu sheegay in Shirkaas aysan ka qeyb geli doonin, maadaama aan lagu soo wargelin.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe laga shaki qabo inuu isna ka qeyb gelin Shirka looga hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.