
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta diiwaan galiyay illaa 6 xisbi oo ka mid noqonaya Axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa Shahaadooyinka aqoonsinimo guddoonsiisay xisbiyada kala:- Xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyada, xisbiga dhalinyarada qaranka, xisbiga haldoor, xisbiga isbaheysiga qaranka Soomaaliyeed, xisbiga daryeel qaran iyo xisbiga awooda shacabka oo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabid Cabdi Maxamed..
Sidoo kale xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party) waxaa ku jira siyaasiyiin hore, aqoonyahano iyo ganacsato.
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji Ereg, oo hadana ah gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awooda Shacabka ayaa maanta ka gudoomay guddiga doorashooyinka Qaranka shahaadada xisbiga.
“Waxaan uga mahadcelinaya guddiga doorashooyinka Qaranka sida wacan ee ay howshaan u hageen, waxaan rajo badan ka qabnaa in loolanka siyaasadda ee Soomaaliya uu noqon doono Xisbiyo ku tartama adeega shacab, wax badan oo ku saabsan xisbiga Awoodda Shacabka waxaad dhamaantiin ku ogaan doonta munaasabada ugu soo horeysa ee Xisbiga ayuu yiri Xaaji Ereg, gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awoodda Shacabka.