Sawirro:-Duqa Muqdisho oo kormeer ku tagey Stadium Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo kormeer ku tagey Stadium Muqdisho

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo weheliyaan, Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga dalka, Booliska, saraakiil iyo La-taliyeyaasha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa kormeer qiimeyn ah ku sameeyey Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidanka AMISOM ku wareejiyeey DFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabada dib loogu soo celiyey Stadium Muqdisho gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay muujinayso sida ay uga go’an tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan fursad ay ku soo bandhigaan xirafadahooda, gaar ahaan dhanka cayaaraha oo garoonka kaalin muhiim ah ka qaadan jiray.

“In gacanteena uu ku soo laabto Stadium Muqdisho waa calaamad muujinaysa sida ay nooga go’an tahay dib u howlgelinta xarumihii muhiimka ahaa, maantana waxaan u nimid inaan qiimeyno, si isbadal loogu sameeyo, kaalintii uu ka qaadan jiray horumarka dalkana dib loogu soo celiyo”

Duqa Muqdisho iyo Taliyeyaasha Ciidamadda ayaa kormeeray guud ahaan qeybaha uu ka koobnaa garoonka oo burbur xoogan ka muuqday. Iyagoo dhinaca kale kormeer ku tagey qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliska ee degmooyinka dhaca hareeraha Caasimadda, si loo xaqiijiyo sugidda amniga magaalada.

Garoonka Stadium Muqdisho oo la dhisay Sanaddii 1978-dii ayaa lagu qaban jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!