SAWIRRO:-Dowladda Somalia oo 30 kadib diiwaan-gelineysa Diyaaradaha Caalamiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

SAWIRRO:-Dowladda Somalia oo 30 kadib diiwaan-gelineysa Diyaaradaha Caalamiga

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa Maanta oo jimco 30 kaddib si rasmi ah u daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha.

Wasiir Oomaar oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey dadaalka mugga weyn ee dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sanadihii la soo dhaafay dib u soo celinta Astaamaha Qarannimadeenna  oo aasaas u ah waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ay goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaq guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More