Sawirro: Diyaaraddii Qatar ee gurmadka caafimaad siday oo soo caga dhigatay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Diyaaraddii Qatar ee gurmadka caafimaad siday oo soo caga dhigatay

October 17 (Mareeg)— Diyaaraddii dowladda Qatar soo dirtay ee siday gurmadka caafimaad ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ah mid milateri laga dejinayo illaa 2 ton oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira.

Waxaa diyaaradan saarnaa dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa ka guddoomay deeqda daawada ah dowladda Qatar.

Dhinaca kale waxaa goor dhow lagu wadaa in diyaaradan ay ka qaado magaalada Muqdisho dhaawacyada illaa sodomeeyo ruux oo la geyn doono magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Qatar ayaa sheegtay inay bixin doonto qarashka ku baxaya bukaanada ee la dhigayo Isbitaalada Sudan, iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda uu la tacaali karin dhaawacyadaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!