Sawirro:-Dhowr Qof Oo Soomaali Oo Lagu Dilay Naziret ee Itoobiya

Read Time:37 Second

Magaalada Naziret oo xarun u ah Oromada dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu dilay dhowr qof oo Soomaali, halka lagu dhaawacay 20 Qof oo kale.

Dadka deegaanka ee ku sugan Magaalada Naziret ee xarunta Oromada Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in dhowr qof oo soomaali ah ay dileen dad Oromo ah ,isla markaana dhaawac u geystay 20 kale oo kuwaasi oo ku sugnaa Magaalada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka Soomaalida  ah ee jooga Naziret  ay dhibaato xooga ku haayan qoomiyada Oromada dalka Itoobiya,iyadoona dilal iyo dhac u geysta dadkaasi.

Arrintaan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili rabshado ay ka dhaceen Magalaada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan Soomaali.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %