SAWIRRO:-DFS iyo Talyaaniga oo heshiis Deyn Cafin ah kala saxiixday

Read Time:39 Second

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa DowladdaTalyaaniga la saxiixatay heshiis Deyn cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskan la saxiixday safiirka Dowladda Talyaaniga u jogga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo uu sheegay inuu si gaar kagala shaqeeya saxiixa maanta suurta galay.

“Maanta waxa aan Dowladda Taliyaaniga la saxiixanay heshiis Deyn_Cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii” ayuu yiri Wasiir Beyle oo Qoraal soo saaray.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa u mahadceliyay Safiirka Dowladda Italy u jooga dalka  Alberto Vecchi oo si gaar ah dowladda ugala shaqeeyay Saxiixa maanta.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.