Sawirro: Daacish oo qabsatay Ramadi & ciidamada Ciraaq oo ku rogaal celiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Daacish oo qabsatay Ramadi & ciidamada Ciraaq oo ku rogaal celiyey

Mareeg.com: Dagaalyahannada Khilaafada Islaamiga (Daacish) ayaa xoog ku galay xerada dhismaha ugu weyn ee xukuumadda iyo booliska Ciraaq, ee ku yaalla bartamaha magaalada Ramadi.

Dagaalyahannada Daacish, waxay jabiyeen difaacyada xerada, kaddib markii ay ku qaadeen weerarro, gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Calankooda ayaa iminka ka dul babbanaya xarumaha booliska, waxayna guul kaga dhawaaqeen samaacadaha masaajidda halkaa ku yaalla.

Kadib markii Daacish gashay magaalada ayaa R/wasaaraha dalka Ciraaq, Xeydar Alcabaadi wuxuu sheegay inuusan aqbali dooni in Daacish sii heysato mgaalada.

Xukuumadda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday dagaal rogaal celis ah oo ka dhan ah Daacish, iyadoo la sheegay iney qeybo ka mid ah magalaada ay Daacish kula dagaallamayaan maleeshiyo beeleed deegaanka ah.

War kasoo baxay wasaaradda difaaca Ciraaq aya lagu sheegay in milateriga, booliska Ciraaq iyo maleeshiyo deegaanka oo taageero ka helaya duqeyn xagga cirka oo ay qaadayaan siyaaradaha Isbaheysiga ay weerar ku qaadeen magaalada Ramadi si looga saaro Daacish.

Ramadi waa magaalo leh muhiimad istaraatijiyadeed, waxayna tahay xarunta gobolka ugu weyn ciraaq ee Anbar, waxaana dagaalka ka socda ka qaxay dadweyne fabadan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!