
Mareeg.com: Markii ugu horreysay Daacsih ama dowladda Islaamiga ah ayaa soo bandhigtay dagaalyahanno iyada taabacsan oo ku sugan daafaha caasimadda dalka Yemen ee Sanca.
Daacish ayaa soo saartay filim muuqaal ah oo soconaya 9 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi, kaasoo ay kaa muuqanayaan todobanaan ka tirsan dagaalyahanada Daacsh oo taagaan meel saxare ah.
Filimka oo watay magaca Wilaayada Sacna ee Khalaafada Islaamiga ayaa dadka Sunnada ah ugu baaqay iney ku biiraan Daacish si loo laayo Shiicada qabsatay inta badan dalka Yemen.
Kooxdan ayaa horay u sheegtay iney joogto gudaha Yemen, waxeyna sheegteen qaraxyo lala beegsaday goobo Shiico oo masaajid ku jirtay, hase ahaatee waa markii ugu horreysay ee ay muuqaallo soo bandhigaan.
Daacish oo markii hore ka bilaabatay Ciraaq una gudubta Suuriya, ayaa haataan u muuqata iney ku faafeyso meelo badan oo joogi jireen kooxo ku xiran Alqaacidda, sida Nigeria, Masar, Yemen, Libiya, Algeria iyo meelo kale.
Mareeg Media