SAWIRRO:-Ciidamo cusub oo Turkiga tababaray oo soo gaaray Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

SAWIRRO:-Ciidamo cusub oo Turkiga tababaray oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamada oo ka ka tirsan ururka 6-aad ee Guutada 17-aad ee Gorgor ee kumandooska Soomaaliya oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay gudaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ay keentay diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo nooca ciidamada circa, ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlayay ciidamada Gorgor ee dalka lagu soo celiyay ayaa uga mahadceliyay walaalaha Turkiga, waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadan ay ka qeyb qaataan dhismaha Nabadda.

“Dhismaha ciidanka waa socdaa xuquuqdoodana waa diyaar, Soomaaliya Hanoolaato” ayuu yiri Wasiir Xasan. “Iga guddooma salaanta Madaxweynaha waad mahadsan tihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday Wasiirka Gaashaandhigga.

Soomaaliya ayaa helaysay tababaro ciidan oo dibedda ah, balse imaatinka ciidamadan ayaa yimid xilli dalka doorasho loogu hanweynyahay in ay ka qabsoonto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.