Sawirro: Ciidamada Itoobiya oo weli gaaraya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Ciidamada Itoobiya oo weli gaaraya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb – Mareeg.com: Ciidamo hore leh oo ka socda dalka Itoobiya, islamarkaana ka mid ah AMISOM ayaa shgalay gaaray degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo markii ugu horreysay lagu arkay iyadoo ay ka babanayaan calamada Soomaaliya iyo kan dalkooda Itoobiya ayaa fariisin ciidan ka sameytay magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha horkacaya ciidamadan Itoobiya ka socda ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Dhuuso-mareeb, saraakiisha Ahlu-sunna iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb, Macallin C/raxmaan Cali (Geedo-qorow) ayaa kulanka kaddib u sheegay warbaahinta inay ciidanka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay saldhigyo ka sameysanayaan gudaha iyo daafaha magaalada, taasoo ay ka codsadeen sida uu sheegay maamulka iyo shacabka degmada.

“Itoobiya waxaan ka dalbanay inay naga caawiso dagaalka aan kula jirno kooxda Al-Shabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Galguduud” ayuu yiri Macallin Geedo-qorow.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka mid ah ayaa waxay sheegeen inay dhawaan gobolada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya ka bilaabi doonaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Habeen hore ayay aheyd markii ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah gaareen degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, halkaasoo ay fariisimo ka sameysteen, islamarkaana bilbaabay dhaqdhaqaaq ciidan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More