Mareeg.com: Ciidammo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Jabuuti, iyadoo munaasabaddii xirtaanka tababarkan ay ka qayb-galeen wasiirro ka kala socda Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa waxey tababar qaadanayeen muddo 3 bilood ah.Wasiirka Amniga Gudaha, kan cadaalladda, taliyaha booliiska, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa munaasabadda ka qeybgalay.
Dhanka Jabuutina waxaa ka qebgalay xubno ay ka mid ahaayeen; wasiirka gaashaandhigga ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Waxaa kaloo ka qaybgalay taliyaha ciidamada Talyaaniga ee Jabuuti ku sugan, Jen. Tullio Del Sette iyo madax kale oo xafladda goobjoog ka ahaa.
Tababarkan ayaa waxaa bixinayay saraakiil Talyaani ah, iyadoo lagu sheegay inu ahaa mid lagu xoojinayo Awoodda ciidamada Booliiska Somalia, sida Qqoonta Saraakiisha iyo sidii ay Shacabka ula dhaqmi lahaayeen.
Taliyaha booliiska Soomaaliya Jen. Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo ka hadlau munaasabadda ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid sare loogu qaadayo aqoonta guud ee ciidamada booliiska Soomaaliya.
Sidoo kale, Jen. Xaamud ayaa u sheegay Askartii Tababarka dhameysatay inay u adeegan dalkooda; iyagoo dabaqaya waxyaabihii ay tababarkan ku qaateen, si ay soo celinta amniga dalka uga qaybaataan.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee la tababaray ayaa la filayaa inay dhawaan ku laabtaan dalka Soomaaliya.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.