Sawirro: Biyaha webiga Shabeelle oo kusoo jabay Baledweyne

Mareeg.com: Webiga Shabeelle ayaa bilaabay inuu ku fataho qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hirran, kadib markii roobab xoog leh ka da’een dalka Itoobiya, taasoo keentay in webigu keeno biyo laxaad leh.

Xaafadaha webiga Shabelle ku fatahay waxaa ka mid ah Buundoweyn, howlwadaag iyo xaafada Kooshin, kuwaasoo biyo kusoo jabeen.

Qaar ka mid ah dadka magaalada Beledweyne ayaa bilaabay in ay naftooga iyo hantidooda kala baxsadaan xaafadaha fatahaaddu saameysay.

Dadka ka cararay magaalada ayaa gaaray deegaano ka mid ah bariga Baledweyen, waxaana fatahaadan kusoo beegantay kadib markii dhawaanahan hay’adaha qaar ka digeen in webiga Shabeelle ku fataho Baledweyne.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245