Sawirro:-Banaanbax weyn oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho

Read Time:42 Second

Banaanbax xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayeen  Ganacsatada Malaayga ama kalluunka ku iibiya Kawaan Liido ee Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Ganacsatada kawaanka Liido iyo dad kale oo shacabka ahaa ayaa isugu soo baxay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ilaa Gurigii hore ee Maxamed Dheere,iyagoona socod ka soo bilaabay Liido.

Waxaa ay sheegeen Ganacsatada in ay cabasho ka yihiin ciidamo ka tirsan dowlada oo ugu yimid kawaanka Liido,kuwaasi oo ku amray in ay ka guuran.

Sidoo kale Ganacsatada kawaanka Liido ayaa sheegay in rag ka tirsan dowlada ay ka iibiyeen Haweeney goobta uu kawaanka ku yaallo,isla markaana la doonayo in Hotel laga dhigo.

Suuqii kawaanka Liido ee Degmada Cabdi casiis ee Gobolka Banaadir ayaa malintii shalay aheyd albaabada la isugu dhuftay, iyadoona kalluunkii shalay ilaa iyo hadda uu dhexyaallo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %