Sawirro: Askarta isbaarooyinka dhigtay Shabeellaha Hoose oo la xaajeynayo! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Askarta isbaarooyinka dhigtay Shabeellaha Hoose oo la xaajeynayo!

Mareeg.com: Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah xubnaha maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta isbaarooyin farabadan ka qaaday wadada xiriirisa Afgooye iyo Marko.

Howgalladaan Maanta laga sameeyay deegaanno ay ka mid yihiin Muuri, No. 50, No. 60, Ceel-wareegoow, Buufoow, Shalaanbood, Qoryooleey, iyo Buulo-mareer ayaa ahaa mid Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay kula dagaalamaayeen Shaqsiyaadka ay u yaalaan jidgooyooyinka sharci darrada ah.

Saraakiisha ciidamada Dowalada Soomaaliya ee howlgalka hogaamineysay ayaa taliyeyaasha ciidamada ku amray in ay xil adag iska saaraan la dagaalanka isbaarooyinka, iyagoo xusay in haddii qof muwaadin ah lagu dhaco in talaabo adag laga qaadi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga gobalka Shabeelaha Hoose Cali Nur Maxamed ayaa sheegay in ka-maamul ahaan aysan u dulqaadan doonin in bulshada lagu dhibaateeyo waddooyinka dhexmara gobolka, isagoo digniin u diray kooxaha sida dhuumaaleysiga dadka iyo gaadiidka ugu dhacaya dareeska ciidamada.

Jeneraal Maxamed Xasan oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgalladaasi ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu digreeto ka soo saaray dhigashada isbaarooyinka, waxaana uu intaa ku daray in taliyaha guutada shanaad amar lagu siiyay in uu ka hortago falalka lagu dhibaateynayo gaadiidka iyo shacabka isaga kala goosha deegaannada gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ka muuqata sawirrada, dadka dhigtay isbaarooyinka ayaa xiran dharka milateriga Soomaaliya, waxaana taas kasoo daray iney u abaabulan yihiin beel, dagaalana ka dhaxeeyaan.

Raggan isbaarooyinka dhigtay Shabeellaha Hoose ayaa qaarkood yihiin dhalinyaro ay askar ahaan u tababartay dowladda Soomaaliya, oo la siiyey hub iyo labis ciidan kadibna dib ugu laabtay beelahooda.

Qaabka isbaaro qaadista ayaan aheyn mid loo adeegsaday xoog, waxaana qolo kasta halka ay joogto loogu tegayey kadibna loo sheegayey iney isbaarada qaadaan, taasoo sahleysa in marka ciidanku gudbo ay isla goobtooda kusoo laabtaan.

Ma cadda in wadadaas nadiiif ka ahaan doonto isbaaroooyin, iyadoo horay dhowr jeer looga qaaday, basle ay dib usoo laabteen kadib markii ay halkaas ka dhaceen dagaallo beeleedyo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!