Sawirro: Arday jaamacadeed oo soo saaray qaab cusub oo loo beeri karo cowska * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Arday jaamacadeed oo soo saaray qaab cusub oo loo beeri karo cowska

Mareeg.com: Arday oo wax ka barata Jamacadda Jazeera ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Kuliyadda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ayaa maanta soo bandhigay hab- abuur cusub   oo aan horey looga aqoon dalka Soomaaliya, iyagoo soo saaray calafka xoolaha oo la beerayo   ciid la’aan ama caro la’aan.

Cowskan ku baxaya ciid la’aanta oo ay maanta soo bandhigeen ardaydan wax ka barta Jamaacdda Jazeera ayaa ah calafka laga beeray abuurka Masagadda ee ka baxda Soomaaliya, isla markaana ay mudo todobaadyo ah kadib noqonaya cows la siinkaro xoolaha.

Waxey sheegeen ardaydani in calafkaan la beerayo ciid la’aanta ay uu kaalin weyn ka qaadan karo bad badinta xoolaha dadka Soomaaliyeed ee markasta oo ay abaaro ka dhacaan dalka ay ku la’daan xoolo badan.

Mid ka mid ah ardaydaasi soo diyaarisay hanaankan cusub oo loo diyaariyo beerista abuurka cawska ayaa sheegay in isku day badan ka dib ay ku guuleysteen in ay soo saaraan caws baxaya ciid la’aan.

Hormuudka Kuliyada Beeraha iyo Xannaanada Xooolaha ee Jamaacadda Jaziira, Maxamed   Dayib Sheekh Abuukar oo aan waraysi RM ayaa sheegay in faa’idada ugu weyn oo arrinta ay leedahaya tahay in muddo kooban gudaheeda lagu soo saari karo caws ay Xooluhu cuni karaan taasina ay tahay hab cusub oo loo beeri karo calafka Xoolaha.

Arrintaan ayaa ah tii ugu horreysay ee ay ku tilaabsato mid ka mid ah jaamacadah xilligaan ka howlgala dalka Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!