Sawirro: Alshabaab oo soo bandhigay gaadiid dagaal oo ay kala wareegeen milateriga Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Alshabaab oo soo bandhigay gaadiid dagaal oo ay kala wareegeen milateriga Soomaaliya

Mareeg.com: Alshabaab oo habeen hore weerar culus ku qaaday saldhiga milateriga Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoosee ayaa soo bandhigay 9 gaadiid ah oo ay ka qabsadeen milaterigii deganaa xeradaas.

Gaadiidka Alshabaab soo bandhigeen ayaa kala ah 7 gaari oo dagaal, gaari booyad saarantahay iyo gaari yar oo ah Nuuca CARIB.

Sidoo kale, Alshabaab ayaa soo bandhigay hub u badan baasuukayaal, kaasoo ay sheegeen iney ka qabsadeen milateriga.

Taliska milateriga ayaa shalay beeniyey in Alshabaab la tageen gaadiid badan, waxeyna sheegeen iney dib uga soo celiyeen gaari ciidan oo ay xerada ka qaateen.

DSC06515DSC06513DSC06521DSC06526DSC06529DSC06533DSC06534DSC06547DSC06553DSC06560DSC06561DSC06562DSC06565DSC06579
S
awirradaan waxaa baahiyey warbaahina Alshabaab, mana jiro wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay sawirradan iyo sheegashada Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!