Sawirada'' Xaflad soo dhaweyn ah oo Jigjiga loogu sameeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirada” Xaflad soo dhaweyn ah oo Jigjiga loogu sameeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya , waxaa xalay xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxweynayaasha Maamulka Galmudug iyo Jubbaland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Madoobe.

Xaflada soo dhaweynta waxaa kasoo qeyb galay soona agaasimay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar , waxaana munaasabada sidoo kale goob joog ka ahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar, oo ka hadlay Munaasabada soo dhaweynta ayaa sheegay in muhiim tahay in laga shaqeeyo sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee kuwada dhaqan Xuduuda .

Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo nabadeyn lahaa dadka kuwada dhaqan Xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya uuna Jigjiga u yimid xal u helida colaadihii dhawaan xadka ka dhacay.

Dhinaca kale maanta ayaa lagu wadaa in Kulan looga hadlayo colaadihii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay Wada yeeshaan Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya iyo Madaxweynaha Galmudug,jija_2jija_3jija_4

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.