Sawirada” Al-Shabaab oo Fagaare ku toogatay Ajaaniib u dagaalameysay

Xarakada Al-Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe, waxa ay ku toogatay sadax nin oo labo kamid ah ay yihiin ajaaniib kasoo jeeda Dalka Kenya, kuwaa oo a bar bar dagaalamayay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ragan ku eedeesay in ay ahaayeen jawaasiis ku dhax jirtay lana shaqeeneysay Dowlada Kenya, waxaana maxkamad kutaala Degmada Jilib ay sadaxan nin oo mid kamid ah Soomaali yahay ku riday xukun dil ah oo lagula fuliyay fagaare kuyaala Degmada Jilib.

Labada nin ee Kenyanka ah ee dilka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabay Cabdulaahi Cabdimajiid Faraj iyo Jared Makae Omambia, waxaana labadan nin Al-Sabaab ku eedeesay in ay ahaayeen Jawaasiis u haqeeneysay Sirdoonka dowlada Kenya.jared