
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay inuu isu soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo muddo dheer ka tirsanaa ururkaas.
Sarkaalka ka soo goostay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa magacaiisa lagu sheegay C/rxamaan Xuseen Wardheere waxana magaca gaarka ah ee uu ururka ugaga tirsanaa ahaa Bilaal.
Ninkan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa wuxuu sheegay inuu ka baxay Al Shabaab oo uu ka tirsanaa muddo 12 sano ah, wuxuuna xusay dhalinyarada Shabaab ka tirsan in aysan raali ka ahayn ka sii mid ahaanshaha ururkaas.
Sarkaalkan ka soo goostay Al-Shabaab ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Shabaab inay ku soo biiraan dowladda, islamarkaana ka faa’ideystaan baaqii Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo barnaamijkii dadkaaga ka mid noqo ee Wasaaradda amniga.