Sarkaal Xalay Lagu Dilay Baledweyne Iyo Kacdoon Shacab Oo Ka Dhashay

Read Time:1 Minute, 25 Second

Baledweyne, Mareeg.com: Iska horimaad hubeysan oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan oo ay ku dhinteen ilaa 4 ruux ayaa sababay in maanta magaalada ay dhacaan mudaaharaadyo rabshado wata oo xorgay ganacsiga.

Ciidamada dowlada iyo ciidamo ilaalo u ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamadii hore ee Soomaaliya ayaa isku dhacay, waxaana halkaas lagu dilay sarlkaas sare oo lagu mafacaabi jiray Col Xaanshi Xusseen iyo sadex kale oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa ciidamada dowlada.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay iska horimaadkan hase yeeshee qaar ka mid ah ciidamada dowlada ee ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in ciidamada ay ahaayeen roondo kadibna ay isku dhaceen ciidamada ilaalada u ahayd sarkaalka geeriyooday.

Dibadbaxayaal careysan ayaa maanta albaabada isugu dhuftay goobihii ganacsiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib dil xalay magaalada loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Col. Xaanshi Xusseen Diiriye.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Beledweyne Gaashaanle Dhexe, Cali Dhuux Cabdi Mahadalle oo warbaahinta la hadllay ayaa faah faahin ka bixiyay dilka xalay ka dhacay magaalada, isaga oo sheegay in dalkaasi ka danbeeyeen ciidamada militariga dowladda Soomaaliya oo toogasho ku dillay sida uu hadalka u dhigay Col. Xaanshi Xusseen iyo askari ka tirnasaa ciidamada dowladda.

“Waxaan idiin xaqiijinayaan in dilka sarkaalka iyo askariga kale ee dhintay ay ka danbeeyeen ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah kuwii dilka ka danbeeyay gacanta ayaa lagu hayaa, baaritaan ayaana socda’’ ayuu yiri G/dhexe Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Dadka isugu soo baxay jidadka magaalada ayaa dhagaxaan ku tuurayay goobaha ganacsiga, iyaga oo sidoo kalana Taayaro ku shiday bartamaha magaalada, waxaana ay dadka ugu baaqayeen in ay dbadbaxa ka qeyb-qaataan.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %