Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar la tuhunsan yahay inay fulisay diyaarada kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones oo maanta duhurkii deegaan ku dhow degmada Jilib ku weerartay Kolonyo uu saarnaa sarkaal ka tirsan Shabaab.
Wakaaladaha Wararka ayaa sheegaya in weerarkan ay fulisay diyaarada Drones lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cali Cabdi.
Gaariga ayaa la sheegay inuu si ba’an u bur buray, markii gantaal ay riday Drones ay haleeshay sida dad goob joogayaal ay sheegeen.
Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in Sarkaalkan oo loo yaqaanay “Anta Anta” uu ahaa ninkii diyaariyay weerarkii lagu qaaday Somaliland sanadkii 2008-dii ee lagu beegsaday Xarunta Madaxtooyada Hargeysa, Qunsuliyada Safaarada Itoobiya iyo Xarunta UNDP.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkan uu ahaa Madaxa Qeybta farsameynta qaraxyada iyo Istish-haadiyiinta loo yaqaano ee is qarxiya.
Wali ma jirto war rasmi ah ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan weerarka ay fulisay diyaaradan Drones loo yaqaano.
5-tii bishan ayay aheyd markii Ciidamada Kumandoska Mareykanka ay weerar fashilmay ku qaadeen Guri uu Baraawe ka degenaa Hogaamiye ka tirsan Shabaab oo lagu magacaabayay C/qaadir Maxamed C/qaadir oo loo yaqaano Ikrima.
Sanadihii u dambeeyay ayaa diyaaradaha Drones ee aan duuliyaha laheyn waxay weeraro cirka ah ka fulinayeen Koofurta Soomaaliya, kaasoo lagu dilay Hogaamiyeyaal ka tirsan Shabaab.
vvvv