Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo tegay Buulo Barde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo tegay Buulo Barde

Mareeg.com: Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo isku duwaha arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay, Philippe Lazzarini ayaa maanta gaaray degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa u kuurgalaya xaaladda nolosha ee dadka halkaas ku nool, iyadoo degmadaas ay muddo go’doon ku hayeen Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay in wafdiga ay kala hadleen sidii loo gargaari lahaa dadka ku dhibaateysan degmada iyo nawaaxigeeda.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa la kulmay mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada, oo looga hadlayay sidii gargaar loo siin lahaa dadka ay abaarta saameysay.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa isla maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho oo uu markii hore ka soo duulay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!