Mareeg Media
Somalia

Sarkaal lagu dilay Duleedka Boosaaso

178

Faah faahino dheerad ah ayaa kasoo baxaya dil Magalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland loogu geystay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoosta Puntland ee loo yaqaano (PMPF).

Sarkaal oo lagu Magacaabi jiray Xasan Mire jaceyl ayaa dilkiisa waxuu ka dhacay taliska ciidamada (PMPF). Ee duleedka Boosaaso,waxaana la sheegay in uu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada, kadib khilaaf soo kala dhex galay.

Dilka kadib Ciidamada Puntland ee Saldhigaasi ku sugan ayaa la xaqiijiyey inay Gacanta ku dhigeen Askariga dilka u geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa Kumaandoosta.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in askariga dilka u geystay sarkaalka dhawaan Maxkamad la horgeyn doono,isla markaana ay gacanta ku hayaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!