Sarkaal lagu dhaawacay Gaalkacyo & howlgal ka socda

Read Time:31 Second

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax xalay ka dhacay Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada isku-dhafka ee xasilinta Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalka ayaa la sheegay in miino loogu xirey Gaarigiisa,isla markaana ay la qaraxday xilli uu mareyay xaafadda Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin, islamarkaana waxaa la sheegay inuu dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa,isla markaana la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

ciidamada ammaanka ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan Magaalada Gaalkacyo

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %