Sarkaal katirsan Ciidanka NISA Oo ku dhaawacmay qarax lagu xeray Gaari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal katirsan Ciidanka NISA Oo ku dhaawacmay qarax lagu xeray Gaari

Muqdiaho (mareeg news)  Sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida iyo sirdoonka qaranka soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax lagu xeray gaari Nuuca Raaxada ah.



Taliye ku xigeenka ciidamada NISA ee Degmada Waaberi, ayaa ku dhaawacmay qarax gaari lagu xiray, kaasi oo ka dhacay xaafada Unisheefta Degmada Waaberi.

Wararka waxa ay sheegayaan in gaarigaan oo ahaa kuwa yar yar ee la isticmaalo la ogaaday inay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa, islamarkaana uu ku baxay Taliye ku xigeenka.



Xilliga gaariga uu qarxaayay ayaa waxaa lagu guda jiray hubinta waxyaabaha qarxa ee la sheegay gaariga inay ku xirnaayeen, waxaana looga digay dadka shacabka inay ka fogaadaan goobta gaariga uu yaalay.

Iyadoo hubinta gaariga lagu guda jiro ayuu mar kaliya qarxay gaariga, waxaana sidaasi ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Ciidamada NISA ee Degmada Waaberi.



Dhaawaca Taliyaha ayaa waxaa xaqiijiyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Waaberi oo sheegay in goobaha caafimaadka loo qaaday Taliye Ku xigeenka.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu leeyahay ruux ka shaqeeya laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federalka Somaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!