Sarkaal Ka Tirsanaa Ururka Al Shabaab Oo Lagu Dilay Gobolka Baay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Baay ayaa waxa ay ku waramayan in halkaasi lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee Gobolka Baay  ayaa sheegay inay dileen Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, waxaana sarkaalkan la sheegay in lagu dilay howlgal ka dhacay degaanka Ceel Dhuun Adeegow oo 45-km dhinaca waqooyi kaga began magaalada Baydhabo.

Sarkaalka laga dilay Ururka Al Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  C/laahi Gaab, kaasi oo sida la sheegay dhibaato ku haayay dadka degaanka.

 Lama sheegin xilka uu haayay C/laahi Gaab, marka laga reebo inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab, kana howlgalaayay deganada Gobolka Baay.
About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia