Sarkaal Ka Tirsanaa Urur Samafal Maxalli Ah Oo Lagu Dilay Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal Ka Tirsanaa Urur Samafal Maxalli Ah Oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’ad maxali ah oo lagu magacaabo NRO, isla markaaana ka shaqeysa arrimaha bini’aadantinimada.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamad Aadan oo ku magac dheeraa Cabdi Dheere, waxa uuna dilkiisa ka dhacay xaafadda Garsoor mana cadda ujeedka dilkiisa iyo shaqsiyaadkii ka dambeeyey

Sarkaalkaan waxaa la sheegay in la togtay xilli uu ku sugna xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo inta u dhaxeysa Hotel Cagaarwayne & Warshad Galay.

Kooxdi dilka geesatay ayaa goobta ka baxsadeen, waxaana dadkii goobta ka agdhawaa sheegeen in dilkaan ay geesten dhowr nin oo ku hubaysna bastoolado. Mana jiro wa kazoo baaxay laamaha amaanka gaalkacyo.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey ahayd markii laba qarax uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana ku dhintay ilaa far qof halka ay ku dhaawacmeen lix qof.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.