Sarkaal ka tirsanaa jiray maamulka Juba oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Mareeg.com: Koox hubaysan ayaa xalay magaalada Kismaayo ku diley Taliyihii hore ciidanka Asluubta maamulka Jubba, Col Xasan Dhuub, Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Farjano ee Kismaayo.

Dableyda  ayaa xabado ku furay Col Xasan Dhuub waxayna ka baxsadeen Goobta, Ciidamo katirsan kuwa Jubba ayaa gaaray goobta.

Col Xasan Dhuub ayaa soo noqday Taliyaha ciidanka Asluubta maamulka Jubba, wuxuuna xilkan ka tagey sanadkii hore.

Dhuub wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyey xiligii Urur Raaskaanboon.

Ammaanka Magaalada Kismaayo, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid ka soo reynaayay sidii hore, iyadoo dadka deegaankuna ay dareemeen xasilooni.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245