Sarkaal ka tirsanaa ilaalada RW Kheyre & Ciidamo kale oo ku dhintey weerarkii Hotelka SYL
Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkii xalay lagu qaaday Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.
Labadaan askari oo ka kala tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska ayaa waxay halkaasi u taggeen gurmad ahaan, iyagoona ka qayb qaatay dagaalka lagu doonayo in Shabaabka looga saaro dhismaha hotelka.
Askartaan ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Liibaan Cali Nuur oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska (Haramcadka) iyo Maxamuud Ismaaciil Warsame (Muuf) oo ka tirsanaa Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan ilaalada Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Sidoo kale waxaa jira askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo ku dhaawacantay iska horimaadka weli ka soconaya gudaha Hotel SYL, oo ku yaala meel ku dhow Madaxtooyada Somaliya.
Comments are closed.