Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay Jubaland

Read Time:58 Second

Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Warbaahinta u soo bandhigtay Sarkaal sare oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab balse isku-soo dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanka Baar-sanguuni oo ktirsan gobolka jubbada Hoose

Sarkaalka ayaa Wasaaradda Amniga Jubbaland waxaa ay Magaciisa ku sheegtay Sharmaarke Cabdinaasir Axmed,isla markaana mudo 10 Sano ah uu ka mid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab sigaar ah kooxda loo yaqaano jugta culus ee fulisa weerarada ka dhanka ah ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim ayaa sheegay in Sarkaalkaas uu ka mid ahaa Saraakiisha Shabaab ugu sareysa,,isla markaana uu iska-soo dhiibay degmada Jamaame,hayeeshee uu ka dalbaday inay Shacabka Soomaaliyeed ay cafiyaan maadaama dhibaatooyin hore uu u geystay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada kale iyo xubnaha ku jira Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland,isla markaana ay soo dhaweynayaan.

Marka laga soo tago Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Jubbaland majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya, iyada ii dhankooda weli Al-Shabaab aysan ka hadlin sarkaalka la sheegay in uu dhankooda kasoo goostay.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %