Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda

Yuusuf Axmed Cadow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Gaar ahaan Kuwa Ka howlgala Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo, sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda.

Yuusuf oo xiriira kale duwan la soo sameeyay Sarakiisha Ciidanka, iyadoona ay suuro gashay saakay in uu soo gaaro oo uu iska soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Garbahaarey.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland eek u sugan gobolka Gedo waxa ay soo bandhigeen ilaa 4 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab balse dowladda isku soo dhiibay.