Sarkaal Ka Tirsan Ururka Al Shabaab Oo Lagu Dilay Gobolka Baay

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Dagaalyahanada Al Shabaab.

Ciidamada gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo howlgal ka sameeyay Deegaano hoos yimaada Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegay inay dileen Sarkaalkan ka tirsan Ururka Al Shabaab ee u qaabil sanaa dhanka Zakawaadka.

Taliyaha Amniga Degmada Diinsoor  ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Haajir  ayaa waxaa uu sheegay  in howlgal ay ka fuliyeen Deegaanka Raaxoole ee Gobolka Baay ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay dileen Amiirka Al Shabaab ee dhanka Zakawaadka , islamarkaana ay gubeen Gaari uu saarnaa.

Taliyaha Amniga Degmada Diinsoor  ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Haajir ayaa waxa intaa ku daray inay sii laba jibaari doonaan howlgallada ay ka wadaan Deegaanada hoos yimaada Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia