Sarkaal Ka Tirsan Safaaradda Soomaaliya Ee Nairobi Oo La Xiray & Ameeriko Oo Ka Hadlay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal Ka Tirsan Safaaradda Soomaaliya Ee Nairobi Oo La Xiray & Ameeriko Oo Ka Hadlay

Nairobi – Mareeg.com: Shir jaraa’id oo xarunta safaarada soomaaliya ee dalka Kenya ay ku qabteen mas’uuliyiinta safaarada ayaa waxa ay kaga warbixiyeen mid kamida shaqaalaha safaarada Soomaalida ee dalka Kenya oo ay dhawaan xireen ciidamada ammaanka ee dalka Kenya.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa sheegay in ciidamada amniga ee dalka Kenya ay ku soo wargaliyeen maalinimadii khamiista inay xireen Xoghayahii sedaxaad ee safaarada Soomaalida ee dalka Kenya, Ilyaas Yuusuf Warsame.

Safiirka ka gaabsaday sababta ka danbeya xariga Ilyaas Yuusuf Warsame waxana uu intaasi ku daray in aanay jirin ilaa iyo hada danbi lagu cadeeyey balse ay socdaan baaritaano la xiriira xariga diblomaasigan ka tirsanaa shaqaalaha safaarada Soomaalida ee dalka Kenya.

Dhanka kale, waxaa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho waxgarad iyo masuuliyiin si weyn u cambaareeyey xarig ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Kenya kula kaceen diblomaasi ka tirsanaa safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ah xubnaha shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin xariga Ilyaas Yuusuf Warsame ay kula kaceen ciidamada Kenya.

“Ilyaas Yuusuf Warsame waa nin la yaqaano ma ahan argagaixiso, qaraxna shuqul kuma lahan, xariga ciidamada KENYA kula kaceena waa qalad isagoo heysta baasaboor diblomaasi ah” ayuu yiri C/kaafi.

Gudoomiyaha golaha bulshada rayidka degaanada Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax ayaa isna sheegay in xariga loo geystay Ilyaas Yuusuf Warsame uu ahaa mid laga shaqeeyey

“Waxaa xarigiisa ka dambeeya oo soo abaabulay shirqoolkana u dhigay shaqsiyaad ka tirsan safaarada Soomaalida ee Kenya oo doonaya iney ka kiciyaan jagada uu safaarada ka hayo si ay ugu bedeshaan dad kale oo ay iyagu wataan” ayuu yiri Muxyadiin Xasan Afrax.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankan nabadoono ay ka mid ahaayeen Garaad Cagey, Nabadoon Qaloosh, iyo Nabadoon Axmed Degoole oo dowlada Somalia ugu baaqay iney wax qabato xariga ciidamada Kenya kula kaceen Ilyaas Yuusuf Warsame.

Ilyaas Yuusuf Warsame oo ahaa Xoghayahii sedaxaad iyo madaxii Brotokolka safaarada Soomaalida ee Kenya ayaa maalintii 4aad u xiran Ciidanka argagixiso la dagaalanka dalka Kenya oo su’aalo ka weydiinaya tuhun la xiriira inuu ku lug lahaa qarax dhowaan ka dhacay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!