Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda oo lagu dilay goob ku bdan yihiin ciidamada Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda oo lagu dilay goob ku bdan yihiin ciidamada Soomaaliya

Mareeg.com: Sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida Qaranka, oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Qaanuuni ayaa manta lagu dilay agagaarka Isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa ku xigeenka Taliyaha La Dagaalanka Argagixisdada ee hoostagta hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa dhowaan loo magacaabay xilkaas, kadib markii 4-tii July degmada Xamar Jajab ee Muqdisho lagu dilay sarkaalkii xilkaas hayey oo la oran jiray, Ibrahin Axmed Faarax.

Kooxda dishay sarkaalkaan ayaa gaari ku hor jaray gaarigii uu watay, waxeyna markaas kadib ku fureen rasaas xoog leh.

Wararka ayaa sheegaya in sargaalka oo dhaawac culus ka soo gaaray weerarka uu geeriyooday kadib markii la geeyey Isbitaalka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!