Sarkaal ka tirsan maamulka Shabeellaha Dhexe oo qarax ku dhaawacmay

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax  lagu weeraray masuul ka tirsan maamulka Gobalkaas.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa bambada gacanta laga tuuro ayaa masuulkaan waxaa lagula eegtay Xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar.
Mas’uulka qaraxa lagu weeraray oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Kaanti ayaa ahaa madaxa dabagalka Dhaqaalaha Gobalka Shabeelaha Dhexe, sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Mas’uulkaan ayaa la sheegay inuu gaaray dhaawac, waxaana hada lagu dabiibayaa Isbitaalka Jowhar.
Xilliga qaraxa lagu weeraraye, ayaa wuxuu ku sugnaa Xaafada Hantiwadaag, gaar ahaan Laanta Geeloow Jaaw lagu magacaabo, waxaana bamka ku tuuray ruux dhalinyaro ah oo goobta ka baxsaday.
Ciidamada ammaanka Degmada Jowhar oo goobta soo gaaray, ayaa halkaasi waxa ay ka sameynayaan baaritaano ay ku raadinayaan ruuxa ka dambeyay bambada lagu tuuray masuulkaasi ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Bac madow ay ku jiraan walxaha qarxa ayaa shalay booliska Jowhar ka heleen gudaha magaalada, iyadoo qaraxaas sidaas lagu fashiliyey.
Mareeg Media
About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245