Sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta iyo wiil uu dhalay oo galabta lagu dilay Muqdisho
Mareeg.com: Sarkaal ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliya iyo wiil uu dhalay ayaa galabta lagu dilay xaafadda Seey Biyaano ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalka la dilay ayaa la oran jiray Col. Daahir Barre Maxamed (Daahir Dheere), kaasoo sidoo kalana ka tirsanaan jiraa ciyaartooyda ciyaaraha fudud.
Lama oga cidda geysatay dilka sarkaalkan, hase ahaatee waxaa dilkiisu qeyb ka noqonayaa dilal maalmihii lasoo dhaafay saraakiisha dowladda lagula beegsanayey Muqdisho.
Mareeg Media
Comments are closed.