Kismaayo, Mareeg.com: Magaalada Kismaayo waxaa xalay ka dhacay dilal iyo howlgal xigay oo ay sameeyeen ciidamada amaanka maamulka KMG ah ee Juba.
Saraal magaciisa lagu sheegay Cabdi Madoobe ayaa rag bastooladu ku hubeysan dileen xilli uu gurigiisa sii galayay, waxaana markaas kadib goobta gaaray ciidammada ammaanka ee maamulka Jubba.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Kismaayo, howgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa ku geeriyooday saddex qof oo la sheegay iney shacab ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u toogteen.
Taliska ciidanka nabad-sugidda ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in 20 qof lagu soo qabtay howlgalladii ay xalay ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ka sameeyeen Kismaayo.
Taliyaha nabad-sugidda Kismaayo, Macallin Jamaal Cumar Maxamuud ayaa sheegay in dadka howlgallada lagu soo qabtay baaritaanno lagu samaynayo.
Taliyaha ayaa tilmaamay in dadkaas lagu hayo saldhigga Kismaayo, wuxuuna xusay in ciddii dambi lagu helo sharciga lala tiigsan doono, ciddii lagu waayana la fasixi doono.
Mareeg.com