Sarkaal ka tirsan ciidamada la dagaalanka argagixisada oo lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Weerar qorsheysan oo saaka ka dhacay agagaarka buundda 2-aad ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay nin la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada nabadsugidda Soomaaliya, qeybta la dagaalanka argagixisada.

Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhaawacay rag kale oo ninaas la socday, iyadoo gaari ragaasi wateen lagu horgooyey gaari kale, oo kadibna rasaas ku furay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka saaka ka dhacay, waxeyna sheegeen iney ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida Somaaliya, kaasi oo ay magaciisa ku sheegeen Ibraahim Axmed Faarax.

Weerar saaka ka dhacay degmada Xamar Jajab, gaar ahaan meel ku dhaw halka lagu magacaabo UNICEF ayeey Al-Shabaab sheegteen inay ku dileen sarkaalkaasi, isaga iyo xubno kale oo la socday.

Al-Shabaab, waxa ay sheegeen in ciidamadooda qaabilsan Ugaarsiga Saraakiisha dowladda ay fuliyeen dilkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen Magaalada Muqdisho Sarkaalkaasi.

War kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay Baraha Internetka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi uu la shaqeynaye ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa wuxuu la socday gaari noociisa uu yahay NOHA, raga hubaysana waxa ay wateen gaari Suzuki ah sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka goobta weerarka uu ka dhacay.

Ma jiro war kazoo baxay laamaha amaanka Soomaaliya, kaasoo ka hadlay dilka saaka ka dhacay Muqdisho iyo sheegashada Alshabaab.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245