Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo toogasho lagu dilay

Read Time:31 Second

Janaraal Yuusuf Cali Qasaay oo ku magac dheeraa (Yuusuf Cagey) kana tirsanaa Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay Hoygiisa oo ku yaalla Magalada Muqdisho

Toogashada Sarkaalka ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Sarkaal kale,isla markaana uu ugu tegay gurigiisa oo ku yaalla Xerada Tolmada oo u dhow Isbitaalka xoogga.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu jiray muran u dhaxeeyey labada Sarkaal,waxaana la sheegay in sarkaalkii dilka geystay la qabtay.

Laamaha Amniga Soomaaliya gaar ahaan saraakiisha Millateriga weli kama hadlin dilka Muqdisho loogu geystay Janaraal Yuusuf Cali Qasaay oo ku magac dheeraa (Yuusuf Cagey).

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.