Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu toogtay degmada Buurdhuubo, Gedo

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaas ciidamada dowladda Soomaaliya dil toogasho ah kula fuliyeen sarkaal ka tirsan Alshabaab oo dagaal ku qabteen.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Xasan Maxamuud Cali, oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in ay toogteen sargaal ka tirsanaa Al-shabaab oo dhawaan lagu qabtay dagaal ka dhacay Buurdhuubo.

Sargaalka la sheegay in uu katirsanaa Al-Shabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Ismaaciil Cali, waxaana xukun dil ah ku riday Maxkamad ku taala degmada Buurdhuubo iyadoona isla maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay.

Gudoomiyaha Buurdhuubo ayaa sheegay in sargaalkan ay toogteen uu kamid ahaa raga hogaamiya weerarada Al-Shabaab ka fuliyaan gobolka Gedo, waxa uuna intaa raaciyay in sSargaallkan uu kamid ahaa ragii wax ka fuliyay weerar lagu dilay nacalimiin Kenyan ah oo ka dhacay Mandheera.

Waa markii ugu horreysay ee maamulka dowladda ee gobolka Gedo shaaciyaan iney xukun maxkamadeed ku toogteen sarkaal ka tirsan Alshabaab.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.