Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay maamulka dowladda ee Luuq
Mareeg.com: Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu isku dhiibay maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya.
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xasan Dhudi ayaa markii uu isku dhiibayay ciidanka ammaanka watay qori AK-47 ah iyo boosh uu rasaas ku sitay, sida uu sheegay ku-simaha guddoomiyaha degmada Luuq, ahna madaxa mashaariicda degmada, Bishaar Aadan Cabdulkariim.
Bishaar ayaa sheegay in nnkaas isa soo dhiibay uu ku dhuumaaleysanayay dhulka baaddiyaha ee u dhaxeeya degmooyinka Luuq iyo Buurdhuubo.
Dhawaan ayay aheyd markii uu degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iska dhiibay madaxii hore ee sirdoonka Alshabaab, Zakariye Ismaaciil Xirsi.
Comments are closed.