Magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobalka Gal-gaduud ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo horay uga tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kaasi oo si nabad galyo ah ugu tagay maamulka dowladda ee degmadaasi.
Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha Booliiska Dhuusa Mareeb Cabdullaahi Garaar waxaana uu sheegay ninkaan is soo dhiibay lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Muxummad (Madoobe), kaasi oo tababar xoogan lasoo siiyay waa sida uu taliyaha hadalka u dhigaye.
“Waxaa is soo dhiibay nin ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Muxummad (Madoobe), waxa uu inoo sheegay in uu tababarkiisu ahaa, ilaalada gaarka ah oo markii ugu horeysaba loo tababaray madaxda waaweyn ee Al-shabaab, ka dibna ciidanka loo tababar Qaraxa midka waaweyn iyo midka fuduba sida loo sameeyo ayuu ku jiray” ayuu yiri taliyaha.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay shaqsiga kasoo goostay Al-shabaab Cabdullaahi Axmed Muxummad (Madoobe), waxaana uu sheegay in horay loo qalday, balse hadda uu ogaaday wanaaga dowladnimada, isaga oo ugu baaqay dhalinyarada kale ee ka midka ah Al-shabaab ay isaga soo baxaan.
“Waa la qaldi karaa qofka bini’aadamka ah, waa in ay dhalinyarada uga soo tanaasulaan madhabkaasi, dowladda waa dowaldooda, shacabkana waa shacabkooda, waxaan u rajeyneynaa markii ay fahmaan in ay kasoo bixi doonaan, dowladda xageeda ayaan kalsooni ka helay sidaas ayaan usoo baxay, si wanaagsan ayeey dowladda ila dhaqantay, taliyaha Booliska ee saldhiga haysta si fiican ayuu ila dhaqmay, waxbadan ayaan ka daraaseeyay markaan dowladda u imid, waxaa ka mid ah warar nala dhihi jiray oo ahayd dowladda waa gaalo, ma tukadaan mana Soomaan, markaan imid waxaan arkay ciidankii dowladda oo Tukanaya meesha waxaan ka ogaaday in kalmad qaldan oo dadka lagu shubay uu warkaasi ahaa” ayuu yiri Cabdullaahi Axmed Muxummad (Madoobe) oo Al-shabaab ka baxay.
Ugu dambeyn waxaa halkaasi hadal kooban ka jeediyay gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Galgaduud Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda Qoroow oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu is soo dhiibo wiilkan dhalinyarada ah, waxaana uu sheegay in Al-shabaab ay xilligaan kala bur bureen.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhalinyarada ka midka ah Al-shabaab in ay dowladda isku soo dhiibaan si ay u helaan daryeel ku filan.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.