Sarkaal ka goostay Alshabaaab oo fagaare kala hadlay reer Xudur * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal ka goostay Alshabaaab oo fagaare kala hadlay reer Xudur

/>
Xudur – Mareeg.com: Sarkaal meel-dhexe oo ka tirsanaa jiray Alshabaab, islamarkaana todobaadkii hore isu dhiibay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa meel fagaare ah shalay kula hadlay shacbka magaaladaas.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Isaaq Maxamed Iidoor ayaa shacabka Xudur ka codsay iney cafiyaan, wuxuuna caddeeyey inuu toos uga baxay Alshabaab.
Isaaq Maxamed Iidoor ayaa ka hadlay xilalkii uu kazoo qabtay Alshabaab, wuxuuna xusay inuu mar ahaan jiray madaxa dacwada degmada Xudur.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu mar soo noqday gudoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo iyadana horay Alshabaab looga saaray.
Isaaq Maxamed Iidoor ayaa sheegay inuu Alshabaab ka baxay kadib markii sida uu yiri uu u dulqaadan waayay dhibaatada raggii ay ka tirsanaa ay hayeen ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhallinyarada iyo hogaamiyaasha hoose iyo dhexe ee Alshabaab ugu baaqday iney ururkaas ka baxaan ka hor inta aan gacanta lagu dhigin.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!